Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL oo Shirka Golaha Wasiirradda warbixin ka jeediyey.

Waxa Shirkii maanta ee Golaha Wasiirrada JSL warbixin ka Bixiyey Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL, Mudane Eng.Axmed Jaamac Barre.
Wasiirku waxa uu sharraxay dhibaatooyinka ka dhasha Macdan-gurashada sharci-darrada ah ee ka socda Gobollo badan, isaga oo si qoto dheer u iftiimiyey saamaynta taban ee ay ku leedahay amniga, bulshada, dhaqaalaha iyo deegaanka dalka.
Wasiirku waxa uu sheegay in hawlaha macdan-qodista ee aan sharciyeysnayn ay horseedaan khalkhal amni, lunsiga kheyraadka Qaranka, tartan aan caddaalad ahayn, iyo burbur ku yimaada Deegaanka, taasi oo halis ku ah mustaqbalka dalka.
Sidoo kale, Wasiirku waxa uu xusay in korodhka dadka ajaanibka ah ee ku lug leh hawlahan sharci-darrada ahi uu sii murginayo xaaladda, taasi oo u baahan in laga yeesho feejignaan iyo tallaabo mideysan.
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL waxa uu ku baaqay in dhammaan Hay'adaha Qaranka ee ay arrintani khusayso ay si wadajir ah uga yeeshaan talo iyo istaraatiijiyad Qaran, si wax looga qabto macdan-gurashada sharci-darrada ah, loona ilaaliyo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka JSL.

Waaxda Xidhiidhka Dadwaynaha iyo Saxaafadda ee WT&M.