
Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL oo shaaciyey Midowga Shirkadaha korontadda Aloog iyo Tec ee magalaada Borama.
Shirkadaha Korontadda magalada Borama oo ku Midoobay Awdal Electricity Company.Hargeysa, 26 July 2025 – Shirkadaha Aloog Electricity Company iyo Telesom Electricity ee magaalada Borama ayaa si rasmi ah ugu midoobay hal shirkad oo ah Awdal Electricity Company.
Munaasibadda midowga shirkadaha oo ka dhacday Xarunta wasaaradda ayaa waxa ku dhawaaqay Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL, Eng. Axmed Jaamac Barre, oo ay wehelinayaan Guddoomiyaha Guddida Tamarta Xasan Shiikh Maxamuud Suufi iyo Agaasimaha Waaxda Tamarta Cabdirisaaq Maxamed Cabdi.
Sidoo kale waxa Shirkadda Awdal Electricity Company ka socdey guddoomiyaha Idiris Xaamud Jibriil iyo Cabdiwahaab Maxamed Xuseen oo guddida sare ee shirkadda ah, kuna hadlay afka shirkadda isagoo sheegay in midowgani kor u qaadi doono adeegga korontadda ee gobolka Awdal.