Wasiirka Tamarta iyo Macdanta JSL oo Furay Kulanka Dib-u-eegista iyo Dardargelinta Hirgelinta Mashruuca Soo kabashada Aagga korontadda Somaliland(SESRP).
Hargeysa (Juun 8, 2026) – Wasiirka Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta JSL , Mudane Eng. Axmed Jaamac Barre, oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta, Mudane Dr. Shucayb Cismaan Maxamuud, ayaa xarunta Wasaaradda ka furay kulanka taageerada iyo dib-u-eegista qorshayaasha shaqo ee Mashruuca Soo-kabashada Aagga Korontada Somaliland (SESRP), kaas oo socon doona muddada u dhaxaysa 8–12 Juun 2026.
Kulamadan ayaa diiradda lagu saari doonaa soo bandhigidda horumarka shaqooyinka, caqabadaha jira, iyo sidii loo dardargelin lahaa hirgelinta qandaraasyada koronto-ballaadhinta ee magaalooyinka Berbera iyo Borama, iyo sidoo kale koronto-galinta xarumaha caafimaadka iyo waxbrashada ee dhulka miyiga, kuwaasi oo gaadhaya 103 xarumood oo iskugu jira xarumo caafimaad iyo waxbarasho kuwaasi oo helay koronto-galin bilaasha oo dhamaystiran intooda badana shaqadoodu hada soo dhamaatay.
Sidoo kale, ka qaybgalayaashu waxay booqan doonaan qaar ka mid ah xarumaha caafimaadka iyo waxbarashada ee laga hirgeliyey koronto-gelinta, iyo goobaha ay ka socdaan hawlaha koronto-ballaadhinta ee magaalooyinka Berbera iyo Borama, si ay ugu kuurgalaan heerka ay marayaan shaqooyinkaasi.
Inta ay booqashooyinku socdaan, waxa ay sidoo kale kulamo kala duwan la qaadan doonaan madaxda shirkadaha korontada ee magaalooyinka Berbera iyo Borama, si loo dardargeliyo shaqooyinka socda loona xaqiijiyo in qandaraasyadaasi ku soo gebogeboobaan muddadii loo asteeyey.
-
wsrk16A7116 copyView -
WhatsApp Image 20260608 at 3.46.53 PM (6)View -
WhatsApp Image 20260608 at 3.46.53 PM (5)View -
WhatsApp Image 20260608 at 3.46.53 PM (4)View -
WhatsApp Image 20260608 at 3.46.53 PM (3)View -
WhatsApp Image 20260608 at 3.46.53 PM (2)View -
WhatsApp Image 20260608 at 3.46.53 PM (1)View -
WhatsApp Image 20260608 at 3.46.53 PMView -
WhatsApp Image 20260608 at 3.46.52 PM (2)View -
WhatsApp Image 20260608 at 3.46.52 PM (1)View -
WhatsApp Image 20260608 at 3.46.52 PMView -
WhatsApp Image 20260608 at 3.44.14 PM (4)View -
WhatsApp Image 20260608 at 3.44.14 PM (2)View -
WhatsApp Image 20260608 at 3.44.14 PM (3)View -
WhatsApp Image 20260608 at 3.44.14 PM (1)View -
WhatsApp Image 20260608 at 3.46.53 PM (13)View -
WhatsApp Image 20260608 at 3.46.53 PM (11)View -
WhatsApp Image 20260608 at 3.46.53 PM (12)View -
WhatsApp Image 20260608 at 3.46.53 PM (10)View -
WhatsApp Image 20260608 at 3.46.53 PM (9)View -
WhatsApp Image 20260608 at 3.46.53 PM (8)View -
WhatsApp Image 20260608 at 3.46.53 PM (7)View -
WhatsApp Image 20260608 at 3.46.53 PM (6)View
