Hargeysa (Juun 8, 2026) – Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL , Eng. Axmed Jaamac Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Baanka Adduunka (World Bank), oo uu hoggaaminayo Eng. Paul

Hargeysa (Juun 8, 2026) – Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL , Eng. Axmed Jaamac Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Baanka Adduunka (World Bank), oo uu hoggaaminayo Eng. Paul, oo ah Task Team Leader (TTL)-ka Mashruuca Soo-kabashada Aagga Korontadda Somaliland (SESRP).

Ujeeddada socdaalka wafdiga Baanka Adduunka ayaa ahayd dardargelinta hawlaha Mashruuca Soo-kabashada Aagga Korontadda Somaliland (SESRP), kaas oo hadda maraya marxaladda hirgelinta (Implementation Phase).
Inta ay wafdigu joogaan Somaliland, waxay kulamo kala duwan la yeelan doonaan,Unugga Fulinta Mashruuca Soo-kabashada Aagga Korontada Somaliland (SESRP/PIU), Komishanka Nidaaminta Korontadda Somaliland, iyo shirkadaha korontadda ee magaalooyinka Berbera iyo Borama.
Sidoo kale, wafdigu waxay booqan doonaan qaar ka mid ah xarumaha waxbarashada iyo caafimaadka ee laga hirgeliyey koronto-gelinta, iyo goobaha ay ka socdaan hawlaha koronto-ballaadhinta ee magaalooyinka Berbera iyo Borama.
Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ayaa wafdiga uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee Baanka Adduunku siiyo Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan horumarinta kaabeyaasha korontadda ee dalka.