Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL Kulan Mihiim ah la yeelatay Shirkadda Kenya Power And Lighting Company (KPFC).

Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL Kulan Mihiim ah la yeelatay Shirkadda Kenya Power And Lighting Company (KPFC).

Waxa maanta caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa soo gaadhay koox ka socota shirkadda Kenya Power & Lighting Company (KPLC), si ay u bilaabaan fulinta Barnaamijka Taageerada Adeegyada Ganacsi iyo Farsamo (Business Support Services Firm – BSSF), oo ka mid ah Mashruuca Soo-kabashada Aagga Korontada Somaliland (SESRP), kaas oo ay maalgelinayso Bangiga Adduunka.
Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta JSL ayaa si rasmi ah u soo dhowaysay kooxda KPLC, iyada oo kulanka hordhaca ah uu guddoominayey Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL, Kulanka waxa sidoo kale qayb ka ahaa Xidhiidhiyaha Mashruuca SESRP, Xidhiidhiyaha Wadaaggaha Aagga Korontadda Somaliland (ESWG) lataliyeyaasha Wasaaradda, maamulka Waaxda Tamarta, Kooxda Hirgelinta Mashruuca SESRP (PIU), iyo kooxda KPLC.
KPLC ayaa kulanka ku soo bandhigtay qorshaha hirgelinta, habka shaqo, iyo jadwalka taageerada horumarinta shirkadaha korontada ee ka faa’iidaysanaya mashruuca, kuwaas oo ay ka mid yihiin SomPower, TEC, Indho Power, Maansoor Power, Berbera Electricity Company (BEC), iyo Awdal Electricity Company (AEC).
Barnaamijkani wuxuu diiradda saarayaa
⚡ Xoojinta Maamulka iyo Nidaamyada Shirkadaha
⚡ Horumarinta Hawlaha Farsamo iyo Hawlgalka
⚡ Kobcinta Adeegyada Ganacsiga iyo Macaamiisha
⚡ Hagaajinta Maamulka Maaliyadda
⚡ Tababarro Khibradeed iyo iswaydaarsi (Twinning), iyo Gudbinta Aqoonta.
KPLC waxay sidoo kale carrabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay casriyeynta nidaamka korontada Somaliland, yaraynta khasaaraha korontada, hagaajinta hufnaanta adeegyada, iyo kobcinta tamarta waarta.
Wadashaqayntani waxay astaan u tahay tallaabo muhiim ah oo lagu dhisayo nidaam koronto oo casri ah, hufan, isla markaana taageeraya koboca dhaqaalaha iyo horumarka bulshada Somaliland.