Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL Ayaa Dhagax Dhigtay Mashruuc Tamarta Cusboonaata ah oo laga Hirgelinayo Sariibada Balligubadle.

 

Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL Ayaa Dhagax Dhigtay Mashruuc Tamarta Cusboonaata ah oo laga Hirgelinayo Sariibada Balligubadle.

Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta JSL , oo dedaal ugu jirta sidii muwaadiniintu u heli lahaayeen tamarta laga dhaliyo ilaha nadiifta ah ee la isku hallayn karo, ayaa dhagax dhigtay mashruuc lagu taageerayo sariibada Degmada Balligubadle,ee xarunta Gobolka Hawd.

Wafti uu hoggaaminayo Agaasimaha Waaxda Tamarta,Cabdirisaaq Maxamed Cabdi, kana wakiil ahaa madaxda Wasaaradda, ayaa dhagax dhigay mashruucan oo ay iska kaashadeen Wasaaradda iyo Hay’adda ADRA, maalgalintiisa uu leeyaha midawga Yurub si loo daboolo baahida tamareed ee bulshada.

Mashruucan oo lagu magacaabo ACTIVE waxa uu ka kooban yahay talaagado waaweyn oo hilibka lagu kaydiyo, kuwaas oo ku shaqaynaya tamarta cusboonaata.