Sabti 09/03/2024 Xarunta Shirarka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta waxa ku qabsoomay kulankii todobaadlaha ahaa ee Agaasimaha Guud iyo madaxda waaxeedyada. Hall-ka Shirarka

431163708_801173505378153_4336595260080780434_n.jpg
Sabti 09/03/2024 

Xarunta Shirarka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta waxa ku qabsoomay kulankii todobaadlaha ahaa ee Agaasimaha Guud iyo madaxda waaxeedyada.

Hall-ka Shirarka ee Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta JSL waxa saaka ka qabsoomay Kulankii todobaad laha ahaa ee Masuuliyiinta Wasaaradda iyo Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan oo todobaadkiiba mar qabsooma.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Maxamed Cismaan siciid oo gudoominayey kulankan ayaa ahaa mid ay isku xogwaraystaan masuuliyiinta Wasaaradda kagana hadlaan habsami u socodka shaqada iyo Dar-dargelinta hawlaha shaqo ee ay u igman yihiin.

Kulankan ayaa muhiimadiisu ahayd maxaa qabsoomay Totobaadkii hore iyo u diyaargarowga shaqada todobaadkan bilaabmay.