Madaxa Mashruuca Dib u soo kabashada Korontada Somaliland (SESRP) Mudane Cabdifataax Cumar Cabdilaahi ayaa maanta Sadex Gaadhi oo uu leeyahay Mashruucu ku wareejiyay

Hargeysa (16/1/2025): Madaxa Mashruuca Dib u soo kabashada Korontada Somaliland (SESRP) Mudane Cabdifataax Cumar Cabdilaahi ayaa maanta Sadex Gaadhi oo uu leeyahay Mashruucu ku wareejiyay Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Mudane Eng. Axmed Jaamac Barre, Xaflada wareejinta baabuurta ayaa ka qabsoontay xafiiska unnuga Fulinaaya Mashruuca Dib u soo kabashada Korontada Somaliland (PIU Office).
Ujeedada Mashruucu baabuurtan u soo iibiyay ayaa ah in lagu kormeero goobaha ay ka socdaan howlaha shaqo ee mashruucu(Sites), goobaha uu mashruucu ka shaqayn doono waxa ay hoos yimaadaan gobolada Maroodi-jeex ,Awdal ,Saaxil ,Todghdeer iyo Sanaag.
Gabogabadii xaflada wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ayaa ugu mahadceliyay xidhiidhiyaha mashruuca iyo dhamaan xubnaha PIU-ga dadaalka ay ugu jiraan ka midho dhalinta ujeeda mashruuca oo ah in bulshada Somaliland hesho koronto jaban, la isku halayn karo kana timaada illo nadiifa