Wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Mudane Eng. Axmed Jaamac Barre

Nairobi (27/1/2025) – Wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Mudane Eng. Axmed Jaamac Barre oo uu wehelinaayo Agaasimaha Guud ee Koomishanka Tamarta Somaliland Mudane Maxamed Maxamuud Cabdi (Malow) ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan kula qaatay Masuuliyiin sare oo ka tirsan Baanka Aduunka .

Kulanka ayaa ujeedadiisu tahay in la iska xog-waraysto halka uu maraayo Mashruuca Dib u soo kabashada Korontada Somaliland (SESRP), qorshayaashii hore ee la isla qaatay waxa ka hirgalay , sida loo xaliyay caqabadihii soo baxayay iyo sidii loo dar dar galin lahaa shaqooyinka imika qorshaysan .

Sidoo kale unnuga fulinaaya Mashruuca ee (PIU) iyo Kooxda dhinacyada shaqooyinka Tamarta ee loo soo gaabiyo (ESWG) ayaa ku soo bandhigi doona kulamada shaqooyinka qabsoomay iyo caqabadaha jira ee la doonaayo in si wada jir ah loo xaliyo mudadaasi afarta cisho ah ee ay kulamadu socon doonaan.

Kulankan maanta waxa lagu soo bandhigay loogana dooday shaqooyinka si guud uga qabsoomay afarta qaybood ee mashruuca (Project Components), si loo ogaado heerka uu gaadhsiisan yahay hanaanka fulinta Mashruuca Dib u soo kabashada Korontada Somaliland (SESRP).

Kulamada ayaa sii socon doona sadexda maalmood ee soo socda si loogu soo bandhigo loogana dooda guulaha laga gaadhay iyo caqabadaha ku xeeran qayb kasta oo ka mid ah afarta qaybood ee mashruucu ka kooban yahay(Project Components), kuwaasi oo mid mid loogu lafa guri doono , si loo gaadho yoolka mashruuca oo ah in bulsahda Somaliland hesho koronto jaban , la isku halayn karo kana timaada ilo nadiifa.