Wefti Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta iyo Komiishanka Tamarta Somaliland oo socdaal ku jooga dalka Uganda ayaa kulamo ka duwan la yeeshay masuuliyiin ugu sarraysa hay’adaha Korontada iyo Tamarta ee dalka Uganda.
Gudoomiyaha Komishanka Tamarta Xassan Sh. Maxamuud Suufi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Maxamed Cismaan Siciid, Agaasimaha Guud ee Komiishanka Tamarta Maxamed Maxamuud Cabdi oo safar shaqo u jooga dalka Ugandha caasimadda Kambala ayaa maalmahanba kula qaadanaayay madaxda ugu sarraysa Hayaddaha Tamarta Dalka Uganda.
kuwaas oo ay ka mid ahaayeen (Uganda Electricity Regulatory Authority ERA, Uganda Electricity Gerenation Companies, Uganda Electricity Distribution Companies UMEME Powering Uganda iyo Uganda Electricity Transmission Company UETCL).
Wefdigan ayaa kulamo gaar-gaar ah la yeeshay madaxda sare ee shirkadda gudbinta korantada ugu weyn dalka Uganda (Uganda Electric transmission Company) isla markaana ah shirkad dawladda Uganda leedahay una qaabilsan gudbinta Korontada Dalka. Waxaa sidoo kale kulamada ka mid ahaa shirkada ugu weyn ee dhanka qaybinta iyo iibgeynta korontada dalka Uganda (UMEME Powering Uganda) taasoo ah shirkad gaar loo leeyahay.
Weftikan ayaa sidoo kale la kulmay guddida sare (Board) ee shirkadaha dhaliya korontada (Uganda Electric Generation companies) tiradooduna gaadhayso inkabadan kontameeyo shirkadood. Kuwaas oo dhamaantood ay ka dhegeysteen hanaanka dhallinta, gudbinta iyo qaybinta korontada dalka Uganda iyo sidoo kale shuruucda lagu maamulo hadday tahay bixinta liisamada iyo dejinta tacriifadahaba.
Kulamada oo labada dhinac waxbadan isku isweydaarsadeen, ayaa wefdiga Somaliland ku soo kormeereen goobaha dhalinta, gudbinta iyo qaybinta korontada dalka Uganda.
Socdaalka masuuliyiinta Wasaaradda Tamarta Somaliland oo noqonaya kii labaad ee ay ku tagaan dalka Uganda, ayaa labada dhinac la saadaalinayaa inay khibrad iyo wada shaqeyn dhow ka yeeshaan iskaashiga dhinaca korontada iyo Tamarta labada dal.
Waxaa socdaalka weftigan ku jirtay tababarro 3 maalmood ay shaqaalaha Komiishanka tamarta Somaliland ay siinaysay shirkada Uganda Electricity Regulatory Authority ERA; tababarkaas oo si gaar ah lagu darsaayay shuruucda loo raacaayo laguna maamulaayo shirkadaha korontada dhanka nidaamka dejinta tacriifadaha iyo bixinta shaatiyada liisamada iyo shuruucda badbaadada deegaanka iyo dadkaba ee khuseeya korontada.