Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ayaa ka qayb gashay shirka Tamarta ee Waqooyiga Afrika ugu ballaadhan ee lagu magacaabo (Egypt Energy and FIREX 2025) kaas oo lagu qabtay Magaalada Qaahir ee dalka Masar, gaar ahaan goobta Egypt International Exhibition Center

Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka qayb gashay shirkii Tamarta ee caalamiga ahaa Egypt Energy and FIREX 2025, oo lagu qabtay magaalada Qaahira ee dalka Masar intii u dhaxaysay 14–16 October 2025.

Wasaaradda waxa shirkan ku metelayey Eng. Sharmaarke Mustafe, Agaasime Ku-xigeenka Waaxda Tamarta, oo ku tagay si rasmi ah isagoo ahaa marti sharaf (VIP Guest) ah. Intii uu shirku socday, Eng. Sharmaarke waxa uu yeeshay kulamo gaar-gaar ah oo uu la qaatay khubaro caalami ah iyo madaxda ugu sarreysa shirkadaha tamarta ee caanka ah, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Etal IndustriesEgyptian German CompanyFurse-EGKira Power Solutions, iyo shirkado kale oo badan.

Sidoo kale, Eng Sharmaarke waxa uu ka mid ahaa ka-qaybgalayaasha doodaha cilmiyeed ee lagu falanqaynayay isu-gooshka tamaraha caalamiga ah (International Power Interconnection), arrintaas oo si dhow ula jaanqaadaysa dadaallada iyo hindisaha ay Wasaaraddu waddo ee lagu doonayo in dalka lagu keeno tamar jaban, waarta, oo lagu kalsoonaan karo.

Shirkan ayaa u ahaa fursad muhiim ah Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL si ay u xoojiso xidhiidhka iyo iskaashiga caalamiga ah ee dhinacyada tamarta, gaar ahaan kuwa la xidhiidha tamarta korontadda iyo tamarta la cusboonaysiin karo.