Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Eng. Axmed Jaamac Barre, ayaa ka qaybgalay bandhig lagu soo bandhigay wejiga labaad ee daraasadda lagu baadhayey saamaynta Shidaalku ku leeyahay qiimaha korontadda Dalka.

Daraasaddan, oo socotay muddo afar bilood ah, waxa si wadajir ah uga shaqeeyey guddi farsamo oo ka kala socda Wasaaradaha Tamarta iyo Macdanta, Ganacsiga, Maalgashiga, Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Kaydka Haamaha Shidaalka Qaranka, iyo Komishanka Tamarta.
Ujeeddada daraasaddan ayaa ahayd in la helo xal waara oo lagu yareyn karo qiimaha tamarta, lana abuuro nidaam koronto oo la awoodi karo, taas oo qayb ka ah dadaallada Xukuumadda Somaliland ee lagu doonayo in lagu dhimo culayska dhaqaale ee bulshada saaran.
Intii kulanku Socdey, waxa la soo jeediyey aragtiyo iyo talooyin ay bixiyeen guddida Farsamo, Khuburo iyo masuuliyiin ka kala socday hay’adaha dawladda, kuwaas oo diiradda saarayey sidii loo heli lahaa nidaam tamareed oo jaban islamarkana waara, si loo gaadho horumar dhaqaale.
Ugu dambayn, waxaa la filayaa in natiijada daraasaddan laga soo saaro go’aanno lagu hirgelinayo talooyinka muhiimka ah ee guddida Farsamo soo jeedisey.
Waaxda xidhiidhka Dadwaynaha iyo Saxaafadda ee WT&M.