Wefti uu hogaaminayo Agaasimaha guud ee Wasaardda Tamarta iyo Macdanta Md Maxamed Cismaan Siciid oo safar shaqo u jooga dalka Emirate ka Carabata ayaa maanta oo ay Taarikhdu tahay 09/10/2024 waxaa ay kala saxeexdeen heshiis is-afgarad shirkada Emirates Industrial Laboratory.
Hishiiskan oo ku saabsan in layska kaashado samaynta iyo horumarinta shaybaadhka macdanta, ayaa waxaa uu kadhacay xafiiska Safaraada Somaliland ay ku leehay magalada Dubai ee Dalka UAE.
Hadaba, isafgarad kani wuxuu dhabada u xaadhayaa in ay Somaliland yeelato shaybaadh casri oo lagu kalsoonan karo isla markaana lagu baadhikaro noocyada kala duwan ee macdanaha Somaliland qaniga kutahay.
Sidoo kale waxaa lagaga maarmaya munadiihii loo diri jiray dalka dibadiisa si loo soobaadho.