Waxaa hoolka shirarka ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ka qabsoomay Shir, shirkaaso lagu soo jeediyey warbixinta qiimayn iyo dib-u eegis lagu sameeyey waajibaadka shaqo ee Komiishanka Tmarta Soomaaliland. Shirka waxaa ka soo qayb galay Madaxda sare ee WMT, KTS iyo shaqaalaha mashruuca WB uu ugu horeeyo (ESWG). Warbixintan oo ay diyaarisay Amal Suleiman, ahla la taliyaha Shaqo Shaqaale Baanka Aduunka ee KTS. Waxaa si qoto dheer qiimayn loogu sameeyey waajibaadka KTS, maamulka iyo doorka isku xidhka aaga tamarta korontada ee Somaliland, iyada oo diiradda la saarayo waajibaadka saran Komiishanka iyo Wasaarada, labadaba.
Natiijadu waxay iftiimisay baahida loo qabo xoojinta wada shaqaynta labadan hay’adood si kor loogu qaado horumarinta tamarta Somaliland. Kulankan oo ay ka soo qayb galeen maamulka sare iyo shaqaalaha labada SEC, Wasaaradda iyo Shaqaalaha Mashruuca WB oo uu hogaaminayo Wasiirka Tamarta iyo Macdanta, ayaa tilmaamay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca xoojinta maamulka iyo isku-xidhka qaybaha tamarta.