379311994_698688258960012_7480387964710428417_n.jpg
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somalilind Mudane C/laahi Faarax Cabdi ayaa maanta Shahaadooyin gudoonsiiyay shaqaalaha Waaxda Shiidaalka oo bartay Course -yada kala ah:
1- Basic Drilling Operations
2- Formation Evaluation (Mud Logging & Introduction to Petrophysics)
3- Well Planning
Kuwaas oo ku saabsanaa sida loo soo saaro shiidaalka. Isla markaasna socday mudo sanada.
Course yada oo ay bixinayeen Engineerada kala ah:
1. Eng. Siciid Dhamac
2. Eng. Maxamuud Jamac (Jabali)
Wasiirka ayaa aad ula dardaarmay shaqaalaha maanta qalin jebiyay, uguna duceeyey in alle ku anfaco cilmigaas ay barteen sidoo kalena qaranka ugu shaqeeyaan.
Wasiirka ayaa sidoo kale u mahad celiyay Engineerada tabo-barka bixinayay.