Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta oo ay weheliyaan Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta, Gudoomiyaha komishanta Tamarta, Agaasimaha guud ee Komishanka Tamarta Agaasimaha Waaxda Tamarta, Saraakiisha Wasaaradda, Saraakiisha Mashruuca Bangiga Adduunka la taliyayaasha Komishanka Tamarta. Ayaa la kulmay Madaxda iyo Saraakiisha Shirkadaha Tamarta ee Hargeysa. Kulankaas oo la iska xaal waraysanayey hawlaha taagan iyo sidii loo dardar-gelin lahaa Tamarta Magaalada Hargeysa.

Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Tamarta iyo macdanta JSL ayaa warbixinta waxqabadka wasaaradda ee 6dii bilood ee horaanta sannadka 2025 ka dhegaystey agaasime waaxeedyada wasaaradda.
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL Mudane Eng.Axmed Jaamac Barre iyo A...