Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta oo ay wehelinayeen wasiir ku xigeenka Wasaaradda, Gudoomiyaha komishanka tamarta, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasimaha guud ee komishanka Tamarta Agaasimaha Waaxda Tamarta, Saraakiisha Mashruuca Bangiga Adduunka ayaa la kulmay Shirkadaha Korontadda, Kulankaas oo la iska xaal waraysanayey sidii loo dardar-gelin lahaa laydhka Magaalada Hargeysa.

Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Tamarta iyo macdanta JSL ayaa warbixinta waxqabadka wasaaradda ee 6dii bilood ee horaanta sannadka 2025 ka dhegaystey agaasime waaxeedyada wasaaradda.
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL Mudane Eng.Axmed Jaamac Barre iyo A...