292333695_411875947641246_56905521221089853_n.jpg
Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo macdanta JSL oo la kulmay wasiirada Maaliyadda iyo Wasiir-u-dawlaha tamarta Xukuumadda Itoobiya
Addis-ababa (WHT&M) Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo macdanta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdilaahi Faarax Cabdi Oo ay weheliyaan La taliyaha Wasiirka Ibraahim Cali yuusuf iyo Gudoomiyaha Komishanka oo safar shaqo ku joogga Magaalada Addis ababa, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Dawladda Federaalka Itoobiya.
Wasiirka iyo wefti uu hogaaminayo ayaa kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Maaliyadda ee dalka Itoobiya Md. Axmed Shide oo xafiiskiisa ku qaabilay, waxaanay ka wada hadleen sidii ay iskaashiga ka dhexeeya u xoojin lahaayeen labada dawladdood, una abuuri lahaayeen mashaariic ku taxaluqa aaggaga muhiimka iyo faa’idooyin u leh labada dal.
Md. Cabdilaahi Faarax Cabdi wasiirka tamarta iyo macdanta Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu si khaasa dhigiisa maaliyadda ee xukuumadda dalkaasi ugala xaajooday sidii Dawladda Itoobiya iyo Dawladda Somaliland mashaariic dhanka Tamarta ah oo jaban iskaga kaashan lahaayeen, taas bedelkeeda Xukuumadda Somaliland ay diyaarinayso wadiiqooyin iyo bay’ad arrimahaasi ku midho-dhalaan.