494494366_1089732366522264_7160962143491833103_n.jpg
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL Oo Kulan La Qaatay Waxgaradka iyo Aqoonyahanka ku dhaqan magaalada Borama.
Borama – Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Eng. Axmed Jaamac Barre, ayaa maanta kulan furan la yeeshay qaar ka mid ah waxgaradka iyo aqoonyahanka ku nool magaalada Borama ee gobolka Awdal.
Kulankan oo ahaa mid furan, ayaa daaranaa laba qodob oo muhiim ah:
1.Wacyigelinta bulshada gobolka Awdal si ay ugu diyaar garoobaan una wayneeyaan maalinta qaranimada Somaliland ee foodda innagu soo haysa iyo.
2.Ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee gobolka Awdal, gaar ahaan macdanta kala duwan ee uu gobolku qaniga ku yahay, iyadoo loo marayo hab masuuliyadi ku dheehan tahay si kor loogu qaado horumarka gobolka iyo dalka guud ahaan.
Wasiirku wuxuu ku dhiirrigeliyey bulshada gobolka in ay doorkooda ka qaataan ilaalinta iyo horumarinta khayraadka dalka, si loo gaadho yoolka horumarineed ee qaranka JSL.