481666087_1038197321675769_2662026314832971717_n.jpg
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Eng.Axmed Jaamac Barre, oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shucayb Cismaan Maxamuud, Agaasimaha Waaxda Shidaalka Yusuf Muse, Lataliyayaasha kala duwan ee Wasiirka, ayaa maanta oo ay bishu tahay 24 Feb 2025 kulan muhiim kula yeeshay hoolka shirarka ee wasaaradda madax ka socotay Shirkadda Shidaal baadhista ee Rak Gas.
Kulanka ayaa ujeedadiisu ahayd in la dar dargaliyo hawlihii shidaal badhiseed ee ay muddo soo waday shirakaddu, waxaana la isla qaatay arrimo badan oo wax ku ool ah, sidoo kalena waxaa loo balamay kulamo danbe in la isugu yimaado