442487544_870676808427822_1738405572211531170_n.jpg
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Cabdilaahi Faarax Cabdi oo ay wehelinayaan Lataliyihiisa gaarka ah Ibraahim Cali Yuusuf iyo Safiirka Somaliland ee dalka Taiwan ayaa 27 june kala qayb galay saraakiil ka socotay Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta gaar ahaan waaxda shidaalka, booqosho goob ka mid ah goobaha laga soo saaro Gaaska dalka Taiwan.
Sidoo kale Wasiirku waxa uu 28 june ka qayb galay xaflada qalinjabinta tababarki u socday Agaasimaha Waaxda Shidaalka, Agaasima ku xigeenka waaxda iyo saddex Ingineer oo ka tirsan waaxda Shidaalka ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta.
Tababarka ayaa ahaa mid ay soo qaban qaabisay Shirkadda shidaalka ee CPC Taiwan, tababarka ayaa muddo laba usbuuc ah lagu qaatay casharo ku saabsan baadhista iyo soo saarista shidaalka (Oil and Gas exploration Training Program)