350773932_972332343907755_328693920260604830_n.jpg
Wasiirka Wasaarada Tamarta iyo Macdanta JSL Mudane Abdilaahi Faarah Abdi iyo weftii uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Maamulka shirkada shiidaal baadhista ee Genel Energy, iyo Agaasime KX Waaxda Shiidaalka Bashiir Adan X. Diiriye, Isku isku Xidhaha Mashruuca wacyigelinta Mudane C/fataax Cumar, Lataliyaha Wasiirka Mudane Ibraahin Cali iyo qaar ka mida shaqaalaha Wasaarada Tamarta iyo Macdanta ayaa maanta kulan is xog waraysi ah kula yeeshay Maamulka Gobolka Togdheer iyo Maamulka Degmada Burco
Kulankaas oo qaatay mudo saacado badan isla markaasna ay ka soo qayb galeen Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed ayaa lagaga wada hadlay sidii looga wada shaqayn lahaa qodista Ceelka shiidaalka ee Toosan-1 ee dhawaan laga qodi doono Deegaanka Xood oo ka dirsan degmada Qoryaale ee Gobolka Togdheer.
Kulankaas ayaa laysku afgartay in si isku mida looga wada shaqeeyo iyada oo gacmaha lays haysto.
Badhasaabka Gobolka Togdheer, Mayerka Degmada Burco Iyo Taliyaha Booliska ayaa weftiga si balaadhan usoo dhaweeyey halkaasna ka balan qaaday in ay hawshaas si hagar la.aana ugala shaqaynayaan Wasaarada Tamarta iyo Macdanta iyo Shirkada Gen Energy.
Wasiirka Wasaarada Tamarta iyo Macdanta Mudane Abdilaahi Faarax Abdi ayaa maamulka Gobolka iyo Kan Degmada uga mahad celiyay sida wanaaagsan ee ay usoo dhaweeyeen una balan qaadeen inay waajib tahay in ay hawshaas Kala shaqeeyaan shirkada Genel Energy iyo Wasaaradaba.
Waaaxda Xidhiidhka Dadweynaha Iyo Saxaafada WTM.