490549110_1078936814268486_3351097381465645061_n.jpg
Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland oo kulan midho-dhal ah la qaadatay Shirkadda Island Green Power.
Hargeysa – 15 April 2025 – Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta xarunta wasaaradda ku martigelisay kulan muhiim ah oo ay la yeelatay masuuliyiin sare oo ka socdey shirkadda caalamiga ah ee Island Green Power, oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska (UK).
Kulankan oo looga gol lahaa in lagu sahamiyo fursadaha maalgashi ee tamarta la cusboonaysiin karo, gaar ahaan tamarta laga dhaliyo cadceedda, ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac iyo sidii shirkaddu door muuqda uga qaadan lahayd horumarinta nidaamka tamareed ee Somaliland.
Wafdiga shirkadda waxaa hoggaaminayay Aasaasaha shirkadda ahna Maamulaha Guud (CEO) Mr. Ian Lawrie, waxaana la socotay Ms. Chandni Reparilia oo ah Madaxa Fulinta iyo Madaxa Sharciga ee shirkadda. Waxaa kulanka sidoo kale ka qaybgalay Amb. Baashe Cawil Cumar oo kaalin muhiim ah ka qaatay fududeynta iyo isku xidhka labada dhinac.
Dhanka Wasaaradda, kulanka waxa horkacayey Wasiirka Tamarta iyo Macdanta, Mudane Eng. Axmed Jaamac Barre, waxaana wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Shucayb Cismaan Maxamuud. Sidoo kale waxaa goobta joogay Agaasimaha Waaxda Tamarta, Mudane Cabdirisaaq Maxamed, iyo la-taliyeyaasha Wasiirka iyo Agaasimaha Guud – Dr. Fuaad Yuusuf iyo Mudane Madar Iimaan.
Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa shirkadda la wadaagay xog muhiim ah oo ku saabsan kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin tamarta cadceedda, dabaysha, iyo kulaylka dhulka hoostiisa (geothermal), kuwaas oo dhammaantood suurtogal ka dhigi kara koboc waara oo dhanka tamarta ah.
Shirkadda Island Green Power oo caan ku ah hirgelinta mashaariicda waaweyn ee tamarta cadceedda iyo kaydinta tamarta, ayaa si diirran u soo dhawaysay fursadaha ay ku arkeen Somaliland. Waxay rajo ka muujiyeen inay ka mid noqdaan qayb ka mid ah horumarka tamareed ee dalka Somaliland, iyaga oo xiisaynaya in ay maalgashi iyo farsamo ku taageeraan dadaallada kor loogu qaadayo tamarta nadiifta ah.
Ugu dambayn, Wasaaraddu waxay u qorsheysay waftiga shirkadda in ay kormeer ku tagaan xarumaha waaweyn ee tamarta korontadda dalka, si ay ugu kuur galaan mashaariicda hadda shaqaynaya iyo meelaha ay mustaqbalka ka hirgelin karaan mashaariic waawayn.