Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta oo Qabatay shirka Dardar Gelinta iyo Isku dubba ridka Hawlaha Macdanta. Waxaa saaka hoolka Shirarka ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ka Qabsoomay Shir lagu Dardar gelinayey hawlaha Macdanta ee Wasaaraddu Masuulka uga tahay Qaranka, shirkan oo si Wada jira ay u soo Qaban qaabiyeen Isuguna soo duba rideen Waaxaha Macdanta iyo Qorshaynta ayaa waxaa ka soo qayb galay Badiba Shirkadaha Macdanta ee dalka ka Hawl gala iyo madaxda Wasaaradda oo ay u Horeeyaan Wasiirka iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta. Ugu horeynba waxaa kelmada soo dhawaynta soo jeediyey Agaaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Mukhtaar Maxamed Cali isagoo oo u Mahad celiyey ka soo qayb galayaasha shirka Gaar ahaan Shirkadaha Macdanta Sida wanaagsan ee ay usoo ajiibeen yeedhmadii Wasaaradda. Waxaaa isna kelmada furitaanka halkaa kasoo jeediyey Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Mudane Cabdillahi Faarax Cabdi isagoo Si rasmiya kulanka ufaray, Waxaa kaloo Wasiirku Faahfaahin ka bixiyey Taariikhda macdanta ee dalka iyo Maraaxilkii ay soo martay, iyo Qorshaha Macdanta ee Wasaaradda. Intaa ka bacdi waxaa iyaguna Madasha Hadalo Mahadnaqa ka Soo jeediyey Xubno ku hadlayey afka shirkadaha Macdanta Maxa ligaa iyagoo Wasaaradana ku amaanay shaqo Wanaag iyo Dedaal. Sidoo kale Waxaa Halkaa Bandhig qoraaleed ku saabsan WaajibaadKa Waaxda Macdanta, Qorshayaashooda Mustaqbalka, Noocyada Liisanada Waaxdu Bixiso iyo shuruudaha looga baahan yahay Shirkadaha Macdanle yaasha ah ka soo jeediyey Agaasime ku xigeenka Waaxda Macdanta Jaamac Maxamed Adan iyo Marwo Abdilahi oo kamida hawl wadeenada Waaxda Macdanta. Waxaa Iyana dhankooda Su,aalo la xidhiidha Caqabadaha ka haysta Macdan Qodista halkaa ku weydiiyey Hawl wadeenada Wasaaradda qaar kamida shirkadaha Macdanlayaasha Iyagoo Hawl wadeenada Wasaaraduna Si Waafiya uga jaawabay su,aalahaas. Gebagebadiina Waxaa shirka soo Gunaanaday Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Mukhtaar Maxamed Cali isagoo Shirkarkadaha Macdanta ku Booriyey wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysa.272762934_311445044351004_4110398627272735731_n.jpg