Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL, Waxay dadaal dheer ugu jirtaa Sidii dalkeenu u heli lahaa koronto jaban, bedqabta, la isku halayn karo, loogana faaidaysan karo Dhinacyada Kobaca warshadaha iyo kaabayaadha dhaqaalaha. Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta iyadoo ka duulaysa mabaadi’da aqoon korodhsi, kor uqaadida mihnadda xirfadlayaasha, aaga Tamarta korontoda dalka. Waxay tababarkan u qabatay iyadoo la kaaashanaysa Hay’adda UASIAD ee dalka maraykanKa iyadoo ay fulisay hay’adda TTI Ee mashruuca power Africa. Haddaba, wasaaraddu iyadoo dareensan muhiimadda aqoon korodhsi iyo tababarada farsamo ee farsama yaqaankeenu u baahanyahay horumarka aagga Tamarta korontoda waxay xil iskaga saartay Sidii loo heli lahaa aqoon dheeraada oo lagu hago aagga Tamarta korontoda Somaliland. Tababarkan, oo socon doona muddo 3 cisho ayaa waxa uu ka socondoonaa hotel Ambasodor Hargeisa, iyadoo ay ka qaybgalayaan dhammaan shirkadaha bixiya adeegga korontoda dalka.

Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Tamarta iyo macdanta JSL ayaa warbixinta waxqabadka wasaaradda ee 6dii bilood ee horaanta sannadka 2025 ka dhegaystey agaasime waaxeedyada wasaaradda.
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL Mudane Eng.Axmed Jaamac Barre iyo A...