372014269_692870269541811_1305096227026804863_n.jpg
Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL ayaa soo qabanqaabisay kulan lagaga hadlayey nidaaminta Macdan Qodista iyo Sahaminta Gobolada Maroodijeex iyo Gebiley.
Kulanka oo ka qabsoomay hoolka shirarka ee Wasaaradda, ayaa waxa ka qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Md Cabdilaahi Faarax Cabdi, Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Md Siciid Axmed Jibriil, Agaasimaha Waaxda Macdanta, Garyaqaanka Wasaaradda iyo saraakiisha Waaxda Macdanta.
Waxa kale oo shirka ka qaybgalay Badhasabka Gobolka Maroodijeex, Badhasab ku-xigeenka Gobolka Gabiley, Gudoomiyaha degmada Darasalam iyo Gudoomiyaha Degmada Agabar.
Sidoo kale, waxa kulanka qayb ka ahaa shirkaddaha Somaak Trading & Mineral Mining LLC, Al Nasri Mining Co, Sugaal Mining Company, Seven Mining Company, iyo labada iskaashato ee Dhuxun iyo Maluugta.
Shirkan oo ahmiyad weyn u leh qorshaha macdan soo saarka Waddanka ayaa gun-dhigga u ahaa Qodobaddan.
1. Nidaaminta iyo u helida xal waara goobaha laga qodo Macdanta dalka oo dhan.
2. Fahansiinta Xeerka Macdanta ( Xeer Lr100/2023) iyo Ku dhaqanka shuruucda
3. Ilaalinta Nabad galyada.
Gunnaanadkii shirka ayaa waxa laga soo-saaray in guddi la dhiso yareynta muranada arrimah macdanta iyo in laga wadashaqayo Arrimaha bulshada taabanaya sida nabad-gelyadda