335870944_551628633464477_7674904151109449832_n.jpg
Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta ayaa qaabishay wefti sarre oo ka socda jamhuuriyada Taiwan ,weftigaasi oo uu hogaaminaayey agaasimaha guud ee Wasaaradda iskaashiga caalamiga ah iyo dhaqaalaha ee dalka Taiwan waxaana weftigaasi ay kulan la yeesheen madaxda ugu sarraysa Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta oo ugu horreeyo Wasiirka Wasaarada Tamarta iyo Macdanta ,Agaasimaha guud ee Wasaarada Tamarta Iyo macdanta iyo xubno ka mid ah agaasimayaasha waaxyaha wasaaradaasi.
Weftigan iyo Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ayaa ka wada hadlay xidhiidhka iskaashi ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Taiwan gaar ahaana arrimaha Macdanta,shiidaalka iyo korontada iyada oo si gaar ah loo lafo-guray heshiishkii u dhaxeeyey Shirkada CBC ee dalka Taiwan u qaabilsan dhanka shiidaalka ee ujadadiisu ahayd ka mid ahaanshaha soo saarista shiidalka ee shirkada Genel energy ee gobollada barriga Soomailand taasi oo ay qeyb ka ahayd shirkada CBC,intii kulankaasi socday waxaa halkaasi ka hadlay safiirka Taiwan u fadhiya Soomaliland ambassasor Allen iyo agaasimaha guud ee Wasaarada dhaqaalaha ee dalka Taiwan iyagoo sheegay sida ay diyaarka ugu yihiin inay xoojiyaan xidhiidhka ka dhaxeeya Soomaliland iyo Taiwan iyada oo muhiimada la siinaayo arrimaha ay ka mid yihiin Macdanta,Shiidalka iyo Tamarta.
Agaasimaha guud ee Wasaarada Tamarta Iyo Macdanta ayaa siaguna dhankiisa si weyn u soo dhaweeyey weftigan sheegayna inay diyaar u yihiin inay ka faa,iidaystaan khibrada iyo aqoonta dawlada Taiwan iyagoo xusay inay diyaariyeen wax kastoo fududaynaaya khayraadka dicin ee Soomaliland ku duugan.