Wafti uu hogaaminayey Wasiirka Wasaaradda Tamarta & Macdanta JSL Mudane Cabdillahi Faarax Cabdi, ayaa booqasho ku tagay safaaradda Somaaliland ay ku leedahay Dalka Taiwan.
Waxa Safaaradda Somaliland ee Taiwan si diiran waftiga ugu soo dhaweeyey Wakiilka Somaliland u fadhiya Taiwan Ambassador Dr-Maxamed xaaji, oo runtii ku qaabiley wasiirka iyo weftigiisa jawi wanaagsan isla markaana Wasiirka uga war bixiyey arrimaha iyo shaqada baaxada leh ee safaaradu u hayso bulshada reer Somaaliland ee ku dhaqan Taiwan iyo xidhiidhka wanaagsan ee ay Somaaliland la leenahay Taiwan.