378485504_698003945695110_1224133550058986692_n.jpg
Wacyigalinta iyo Nidaaminta Macdan Qodotada Deegaanada Agabar iyo Daarasalaam ee Gobolada Gabiley iyo Maroodijeex.
Guusha iyo horumarka hayaanka macdan qodista iyo ka faa'iidaysiga khayraadka Macdanta Somaliland, waa mid qorshaha fulinteedu ay masuul Ka tahay Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta, iyada oo lagu hagayo intifaacsiga Khayraadka macdanta qaab leh joogtayn deegaan, masuuliyad bulsho, Ilaalinta deeganka iyo ka faa'iidaysigiisa hanaan togan, waa fursad nololeed oo fiican siinaysa bulshada iyo jiilka mustaqablka.
Iyada oo taa laga duulayo, waxaa safar shaqo loogu baxat deegaanadaa, wafti ka kooban maamulada Gobolada Gabiley iyo Maroodijeex, Dagamooyinka Agabar iyo Daarasalaam iyo Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta, ujeedka safarka ayaa ahaa, wacyigalinta iyo la tashiga muruqmaalka Macdanta Lithium-ta Ka qoda deegaanada.
Ugu danbeyn, maadama ay bulshadu tahay cida qudha ee manaafacsanaysa dheefta mashaariicda horumarineed ee Macdan qodista, waxay diyaar u yihiin mar kasta soo dhaweynta iyo Ku dhaqanka shuruucda, waxayna iska soo saareen gudi 10 qof Ka kooban oo kala shaqaysa Wasaaradda iyo maamuladda Gobolada kor Ku xusan sidii loo nidaamin lahaa hawlaha Macdan qodiseed ee ay garab raratada deegaanadaasi Ku hawlan yihiin.
#Horumarinta iyo #Nidaaminta #Macdanta #Gabiley #Maroodijeex #Somaliland.