311573237_481156984046475_6623343654091714926_n.jpg
Waaxda Macdanta ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdantu iyadoo fulinaysa Qorshaha Sanadlaha ah ee illaalinta, qiimaynta, kor joogtaynta iyo dabagalka Mashaariicda Shirkadaha Macdan Qodista kooban ku hawlan yihiin, waxay koox ka kooban Geologist iyo Mining Engineering safar shaqo oo qaatay mudo shan maalimood ah ugu safreen Dooxayada Biriisle iyo Waraabood ee hoos taga deegaanka Saylac ee Gobolka Salal.
Ujeedka safarka shaqo ayaa ahaa:-
1. Hubinta qaabka hawlaha qodista iyo rarida Ciida Niista ihi inay u socdaan qaabkii sharci ee loogu talo galay
2. Hubinta ilaalinta badqabka caafimaadka iyo deegaanka
3. Hubinta shaqo abuurka ay ku soo kordhiyeen deegaanka
4. Hubinta bixinta cashuuriihii ku waajibay
5. Hubinta shirkado aan u haysan xuquuqaha sharci ee uu waajibiyay shuruucda Macdantu,
6. Kor u qaadida wacyiga bulshada ee ka feejignaanta khataraha dabiiciga ah ee ka iman kara dooxyada xili roobaadka.
Ugu danbeyn, intifaacsiga Khayraadka macdanta qaab leh joogtayn deegaan iyo masuuliyad bulsho waxay dhinacyo kala duwan ka horumarin kartaa dhaqaalaha Dalka.