Soo Bandhigidda Buug-yaraha Sharaxaada Shaqo ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL.
Wasiirka Wasaaraadda Tamarta iyo Macdanta Eng Axmed Jaama Bare oo ay Weheliyaan Lataliyaha Wasiirka iyo Agaasimaha Cududa Shaqaalaha ayaa saka Daah-furey Buug-yaraha Sharaxaada Shaqo ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta waxaa loogu talagalay in lagu caddeeyo Waajibaadka iyo Masuuliyadda boosaska kala duwan ee Wasaaradda, iyadoo waafaqsan qaab-dhismeedka Guud ee Wasaaradda. Buug-yarahan wuxuu muhiim u yahay nidaaminta, hagaajinta, iyo sare u qaadidda waxqabadka Wasaaradda.
Wasiirka oo kulanka soo xidhay ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda hirgelinta buug-yarahan iyo in si joogto ah loo adeegsado si loo gaadho hadafka Wasaaradda.