429782640_794542782707892_6670356224527572367_n.jpg
Sidaan ka warqabno ardayda iskuulada Soomaaliland waxaa ay qabaan baahiyo farabadan oo ay tahay dhamaan in laga wada qayb qaato sidii wax looga qaban lahaa.
Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta oo uu matalayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maxamed Cismaan Siciid oo ay weheliyaan Agaasimaha Shidaalka iyo shirkadda GENEL ENERGY waxay gaadhsiiyeen deeq agab waxbarsho Kun Arday oo dhigta afar iskuul oo ku kala yaala magaaloyinka Baligubadle, Salaxley, Sabawanaag iyo Oodweyne kana tirsan Oodweyne Block.
250 kii Arday ee u horeeyeyna Maanta ayaa Agabkaa la gaadhsiiyey.