Hargeysa – Shirkii Toddobaadlaha ee Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ayaa maanta ka qabsoomay hoolka shirarka ee wasaaradda. Shirkan oo uu guddoomiyay Agaasimaha Guud ee wasaaradda, Dr. Shucayb Cismaan Maxamuud.
Intii uu socday shirku, waxa si qoto dheer lagaga hadlay waxyaabihii qabsoomay muddadii u dambeysay, dardargelinta hawlaha qorshaysan, iyo sida shaqooyinka muhiimka ah loo kala hormarinayo. Agaasimaha Guud ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay waaxaha ay khusayso in ay si degdeg ah u fuliyaan waajibaadkooda shaqo.
Shirku waxa uu ku soo dhammaaday niyad-wanaag iyo dhiiranaan shaqo oo cusub, taasoo muujinaysa sida ay wasaaraddu uga go’an tahay horumarinta adeegyada ay bulshada u hayso.