Shir lagaga arrinsanayey sidii loo Horumarin lahaa Aaga korontadda ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta oo Isniin ah ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta, Shirkan oo ay ka soo qayb-galeen xubno ka mid ah Guddida Dhaqaalaha Golaha Wasiirrada Somaliland, Masuuliyiinta Wasaaradda Macdanta iyo Komishanka Tamarta Somaliland.
Intuu shirku socday waxa lagu gorfeeyey sidii loo horumarin lahaa Addeega Tamarta Korontada Dalka, Sidii bulshadu u heli lahayd Koronto Jaban oo ay awoodi karaan iyo sidii looga faa’iidaysan lahaa Mucaawimooyinka Baanka Addunku ugu deeqay Somaliland, ee loogu talo-galay in lagu horumariyo addeega Korontada Somaliland.