MASHRUUCA SAHAMINTA MACDANTA Wasaaradda Tamarta iyo Macdantu iyadoo daba socota Mashaariicda Sahaminta ee bilaabmay 2020 taasoo maalgalinteeda lahayd Dawladda dhexe ee Somaliland ayaa ka bilowday gobolka Sanaag sahamin macdaneed oo ay kala shaqaynayso shirkadda muwaadinka ah ee Khalifa Mining and Engeering Consultants (KME). Gobolka Sanaag waxa uu ku yaallaa dhulka buuraleyda ah ee Bariga Somaliland, waxaanu xuduud caalami ah la leeyahay Puntland. Gobolku wuxuu leeyahay dhul Jiyoolojiyeed qani ku ah dahabka. Waa mid cadeyn u ah jiritaanka dahabka ee dalka. Waxa jira meelo badan oo dahab ah oo Somaliland ku jira, laakiin aan ku koobnayn dhulka Cirshiiida iyo Maydh. Gobolka waxa ka socda hawlgalo Macdan soo saarid iyo sahaminta Dahabka oo laga wado dhulka buuraleyda ah ee aan weli laga faa’iidaysan khayraadkiisa Macdanta. GoobahaMacdanata laga Sahaminayo iyo baaxadooda Sadax goobood ayaa ah meelaha lagu tuhmayo Macdanta Maydh, Caado iyo Gorgor. Deegaanka mashruucan laga fulinayo ayaa ah gobolka Sanaag oo dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Ceerigaabo. Baaxada goobaha ayaa ah: Maydh (144km2) Caado (27km2) Gorgor (35km2) Macdanaha la Danaynayo ayaa ah: Dahab (Gold) Copper Manganese Lead iyo Macdanaha kale Biraha (Base Matels) HABKA IYO HANAANKA SAHAMINEED EE MASHRUUCA Habka sahamintu wuxuu ka koobnaan doonaa, habka jiyookimikada (geochemical), habka jiyoofisikada (geophysical) iyo sahaminta cilmiga dhulka (geological mapping), mudada mashruucuna waa Shan iyo Afartan cisho 45 Horumarinta Macdantu waa Yaraynta Abaaraha
2739892083238634464424972113066861482147858n
2740129923238635331091558796467527470609900n
2741582093238635131091576357838738865593437n
2741841403238635531091537032438525841594669n
2742380163238634364424985378392263518387599n
27424698832386347644249492789304830768554n
2742982703238569164431501441357066082228078n