458979542_917544040407765_2216402086359601256_n.jpg
Maanta waxa xarunta wasaaradda lagu qabtay shirkii 3aad ee saddex biloodlaha ahaa ESWG kaas oo uu gudoominayay Agaasimaha Guud ee wasaaradda Maxamed Cismaan Siciid oo ah Gudoomiyaha ESWG. Waxa shirka soo qabanqaabiyay Xidhiidhiyahay ESWG iyo kooxdiisa, Eng Ubaxle, oo uu weheliyo Xidhiidhiyaha Mashruuca Eng. Liban iyo Agaasimaha waaxda Tamarta ee waxana ka soo qayb galay xubnaha bulshada iyo wasaaradaha ku metala groupkan ESWG.
Waxa si qoto dheer loogu lafaguray sidii Dhamaan daneeyayaasha Tamarta looga qayb galin lahaa wadaagga talada iyo xogaha ku saabsan horumarka Tamarta Somaliland.
Shirkan oo ay fadhiyeen talooyinna ka dhiibteen dhamaan la taliyaasha Wasaaradda iyo Komishanka Tamarta, Dhinaca Mashruuca waxa lagu soo gunaanaday in xubnaha ESWG dib u habayn lagu sameeyo lagana qayb galiyo xubno ka socda bulshada rayidka ah iyo isticmaalayaasha Korontada si Loo dhaqan galiyo qorshaynta Laydh Jaban, laysku halayn karo, isla markaana amaan ah, oo ka mid ah qorshayasha Xukuumaddu ku doonayso in shacabka loo helo koronto Jaban.