Kulanka xog is waraysiga Guddida khayraadka Dabicigga, Tamarta iyo deeganka ee Gollaha wakiiladda Somaliland iyo Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta.
Maanta oo ay bishu tahay 17/09/2024 waxa hoolka shirarka ee Wasaardda Tamarta iyo Macdanta ka qabsoomay kulanka is barasho iyo Xog is weydaarsi.
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Cabdilaahi Faarax Cabdi oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Agaasimayaasha waaxaha ayaa werbixin dheer siiyay Guddida Khayraadka dabiiciga, Wasiirka ayaa ka warbixiyey mashaariicda ay dalka masuulka uga tahay ee waqti xaadirkan ay gacanta ku hayso Wasaaradu sida mashaariicda Tamarta, Macdanta iyo Shidaalka.
Sidoo kale wasiirku waxaa uu ku dheeradaay caqabadaha haysta waxsoo-saarka khuseeyaa macdanta iyo Shidaalka oo ay ugu horayso Arimahaa shuruucda.
Sido kale waxaa kulanka ka hadlay agaasime Waaxedada Shidaalka, macdanta iyo Tamarta oo ka warbixiyay waxyaabaha u qabsoomay iyo qorshayaasha Waaxaha iyo Wasaaradda ee dhinacaa Mashaariicda.
Waxa yaguna goobta warbixin fiican bixiyay maamulka mashruuca Tamarta ee World Baanka oo ka warbixiyay qaybaha mashruuca iyo ujeedada laga leeyayhay.
Ugu danbayntii suaalo ay qabeen guddida khayraadku ayay so gubiyeen waxaana uga jawaabay si waafi ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo macdanta Maxamed Cismaan Siciid.