344738995_264098182729776_551584396513116583_n.jpg
Kulanka Watashiga qabyo qoraalka xeerka dakhliga shidaalka oo ay soo qaban qaabiyeen Guddi ga Deeganka , Khayraadka Dabiicigaa, Wax Soosaarka iyo Tamarta ee Golaha Wakiilada kana soo qayb galeen masuuliyiinta Wasaarada Tamarta iyo Macdanta,
kuwaas oo uu hogaaminayay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Foosi Maxamed Faarax iyo Agaasime Waaxeedyo iyo Hayadah kala duwan Ee dawlada iyo jamaacadaha Gobolka Togdheer, ayaa lagu falanqeeyey muhiimada Xeerka Dakhliga shidaalka iyo Faaiidada uu uleeyahay dhinaca maalgashiga Ee shidaalka.
Kulankaas oo ka qabsoomay magaalada Burco Ee Xarunta Gobalka Togdheer.