WhatsApp Image 2022-07-04 at 9.04.19 AM.jpeg
Kulanka Wasiirrada Tamarta iyo Macdanta ee Somaliland iyo Itoobiya ‘Addis Ababa’
Wasiirka Wasaaradda Tamarta
iyo macdanta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdilaahi Faarax Cabdi oo booqasho shaqo ku joogga Magaalada Addis Ababa, ayaa la kulmay wasiirka wasaaradda macdanta, shidaalka iyo tamarta dabeeciga ah ee dalka Itoobiya Eng. Takele Uma
Labada wasiir, ayaa ka wada hadlay arrimo la xidhiidha sidii ay labada dawladdood iskaashi uga yeelan lahaayeen horumarinta Tamarta, Shidaalka iyo macdanta, una yeellan lahaayeen xidhiidh qoto dheer oo ku saabsan arrimahaasi.
Shirka laba geesoodka ah oo ku bilaabmay is-xogwaraysi ay labada wasiir iskaga waraysteen hawlaha ay qabtaan labada wasaaraddood iyo meelaha ay iska-kaashan karaan labada dal iyo sidii ay u abuuri lahaayeen jawi wada-shaqayneed oo joogto ah.
Kulanku in tii uu socday ayaa labada wasiir iskula soo qaadeen arrimo badan, ayaa ku soo dhamaaday guul iyo faham buuxa.
Wasiirka Tamarta iyo macdanta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdilaahi Faarax Cabdi waxa kulankaasi ku wehelinayey Guddoomiyaha Komishanka Tamarta Qaranka Axmed Faarax Caddare, Ambasadoor Maxamed Axmed Cawad safiirka Somaliland ee dalka Itoobiya iyo Lataliyaha Wasiirka Ibraahim Cali yuusuf.
Waaxda Xidhiidhka Dadwaynaha Warbaahinta iyo Wacyi-gelinta Ee wasaaradda Tamarta iyo Macdanta.