410032036_753484146813756_45949383793889793_n.jpg
Kulanka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta, Komishanka korantadda iyo madaxa xafiiska unugga fulinta Mashruuca korontada ee baanka adduunku ka maalgelinaayo somaliland.
Wasaaradda Tamarta iyo macdanta Gudoomiyaha Gudida Tamarta oo ay weheliyaan xafiiska unugga fulinta mashruuca maalgelinta korontada ee baanka adduunka ayaa maanta ka qabsoomay hoolka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta.
Shirkan oo uu gudoominaayay Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Mudane Abdillaahi Faarax oo ay weheliyaan Wasiir ku xigeenka wasaaradda Tamarta iyo Macdanta iyo sidoo kale agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa waxaa ka qayb ahaa gudoomiyaha komiishanka korontada, iyo Agaasimaha Guud ee Komishanka Tamarta, madaxa mashruuca Work banka, Lataliyaha Wasiirka, Agaasimaha Waaxda Tamarta, lataliyaha Shuruucda ee Wasaaradda iyo Mashruuca korontada baanka adduunka
Ujeedada Shirku waxaa uu daaranaa;
1. Dib u eegista halka ay marayso fulinta mashruuca World Bank iyo caqabadaha
2. Falanqaynta xeer nidaamiyaha suuqa korontada jamhuuriyadda Somaliland
3. Halka ay marayso wax kabadalka iyo dib u hagaajinta xeerka tamarta
4.Diyaarinta xeer-nidaamiyeyaasha tamarta iyo xeer nidaamiyaha liisanka shirkadaha tamarta
5.Wada shaqaynta shirkadaha korontada, Wasaaradda iyo Kommishanka Tamarta
6. Daraasadaynta habka ay u shaqeeynaan madalaha wadaagayaasha Tamarta ee Wadamada Bariga Africa
Kulankaasi waxa uu kusoo dhamaaday jawi wanaagsan oo lagu balamay kulamo danbe oo laga arinsanayo dhamaan arimaha laxidhiidha aagga tamarta iyo dhamaystirka shuruucda tamarta ee kala duwan.
Gabogabadii kulamkaasi waxa soo afmeeray wasiirka oo hadallo dardaaran ah kasoo jeediyay, kuna dhiirigaliyay madaxda kale shirka in laga midho dhaliyo kulamada kale ee lagu heshiiyay in qabto.