409974619_749115010584003_6048127054921906514_n.jpg
Kulanka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta.
Markii la arkay baahida loo qabo in la xoojiyo ururinta dakhliga cashuuraha macdanta oo ah wax-soo-saarka labaad ee wadanka dibadiisa loo dhoofiyo, marka laga tago xoolaha nool, ayaa la qorsheeyay kulan lagu dardargalinayo kobcinta dakhliga ka soo xarooda cashuuraha khayraadka Macdanta, iyada oo la dhiirigalinayo wax-soo-saarka iyo dhoofka Macdanta, ayaa Ka qabsoomay Hallka shirarka ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta.
Xubanaha Ka soo qayb galay kulanka labada Wasaaradood , dhinaca Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta, Wasiirka, Wasiir Ku xigeenka, Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha Waaxaha Macdanta, Maamulka iyo Lacagta, Qorshaynta iyo Shuruucda. Halka dhinaca Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu ahayd, Wasiir Ku xigeenka, Agaasimaha Shuruucda iyo Agaasimayaasha Waaxaha dakhliga.
Ujeedka kulankaa ayaa ahaa, midaynta Cashuuraha Macdanta, dhamaystirka Buuga Haggaha Cashuuraha Macdanta, iyo xoojinta wada shaqaynta labada Wasaaradood.