362676989_667602328735272_8735042944771670713_n.jpg
KULANKA WADATASHIGA QABYO QORAALKA DIB U HABAYNTA XEERKA TAMARTA KORONTADA SOMALILAND.
Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Macdanta oo ay weheliyaan wasiir kuxigeenka wasaarada tamarta iyo macdanta, wasiirka cadaalada, wasiirka shaqo-gelinta arimaha bulshada iyo qoyska, gudoomiyaha komiishanka tamarta korontada, agaasimaha guud ee maalgashiga iyo warshadaha, iyo agaasimaha guud ee komiishanka tamarta.
ayaa daahfuray kulan laba cisho soconaya oo lagag tashanayo qabyo qoraalka dib u habaynta xeerka tamarta korontada somaliland.
Kulankan waxa kaso qayb galay dhamaan daneyayaasha aaga tamarta sida shirkadaha korontada dalka, shirkadaha kashaqeeya tamarta cusbonaata, komiishanka tamarta korontada, isuduwayaasha wasaaradda tamarta iyo macdanta ee gobolada dalka, xubno kasocday wasaaradaha shaqo wadaaga ay yihiin wasaaradda, hormoodka kuliyada electrical engineering ka ee jamacada Hargeisa iyo Golis, iyo xubno matalaya bulshada rayidka ah.
Ujeedada kulanka ayaa ah in lala wadaago kaso qayb galayaasha qabyo qoraalka xeerka tamarta si ay ugu daraan wixi kadhiman ee daruuri loo arko sido kalena looga doodo dhamaan qodobada xeerkan si loo helo xeer katurjumaya danaha daneyayaasha aaga tamarta oo dhan.