296253254_429452679216906_4665202792125311799_n.jpg
Kulanka Wacyi-galinta Bulshada Laasasurad.
Wasaaradda Tamarta Iyo macdanta waxa ay masuul uga tahay qaranka Maamulista, Hagista Iyo ka faaidaysiga khayraadka dihin ee dalkeena Allaah ku manaystay. Waaxda macdanta ee wasaradda Tamarta Iyo macdantu waxa ay wacyi -galin u sameysay Bulshada ku dhaqan deegaanka Laasasurad, bulshada oo lagu wacyi galiyey muhiimadda ay leedahay ka faaidaysiga khayraadka Iyo yareynta caqabaha bulshudu ku hayaan shirkadaha sahminta Iyo Qodista macdanaha ka wada dalka.
Kulankani waxa uu ka qabsoomey deegaanka haldhaagan waxaana ka soo qayb galay Maamulka gobolka Sanaag, oday dhaqameedka gobolka sanaag gaar ahaan deegaanka laasasurad Iyo qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka laasasurad. Ka Soo qayb galayaasha kulanka waxaa ka mid ah ;
1: Ismaaciil Xaaji Nuur ( Maayarka Degmada Ceerigaabo )
2: Saleebaan Ducaale Warsame
Taliyaha Qaybta gobolka Sanaag ( Dhagacade)
3: ismaaciil Maxamed Yuusuf
Taliyaha Ciidanka badda ee gobolka sanaag ( Beebeje)
4: Maxamuud Olol Jaamac
Taliyaha Asluubta gobolka Sanaag
5: Jaamac Cali Ismaciil
Maayarka Degmada Laasasurad
6: Cismaan Cumar Faarax ( isuduwaha gobolka sanaag)
Maamulka gobolka iyo saraakiisha ka socday wasaaradda Tamarta Iyo macdantu waxa ay bulshada u cadeeyeen In dhibka ugu badan ee ka horyimaada ka faaidaysiga khayraadku ay ka mid yihiin Aqoonta Loo leeyahay oo kooban , Kaabayashii dhaqaalaha oo daciif ah sida wadooyibka Iyo Bulshada oo ah qaybta ugu wayn ee hortaagan ka faaidaysiga khayraadka dalka . Sababta keenaysa caqabada ka imaanaysa Waa In ay dadkeenu fishaan dhaqaale badan marka ay maqlaan macdan dhaqaale badan ama aaminaan In siyar oo fudud loogu dul faaid sidoo kale shakhsiyaad ka mid ah bulshada degan goobta oo dano shakhsi ah ka waaya shaqada markaa socota. Maamulka sanaag waxa ay u cadeeyeen ka maamul ah Haddi shirkaduhu dareemaan amni xumo ay amar u qabaan cidda dhibka wadda ay marinayaan sifa sharci ah.
Dhanka kale, Bulshada degmada laasasurad waxa ay Si Qurux badan u soo dhaweeyeen shirkadda Sahmin Mining Company oo ay leeyihiin muwaadiniin reer soomaaliland ah.
Waxa Ayna balan qaadeen In ay la shaqeynayaan shirkadda sidoo kale wixii cabasho ah ee gay ka tirsadaan shirkadda In ay dacwad u so gudbinayaan heer gobol illa iyo heer qaran . Bulshadu waxa ay qireen In Loo baahan yahay In laga faaidaysto khayraadka dalka maadaama xoolihii ay dadku ku noolaayeen saameeyeen abaaraha Soo noq noqonaya taasina ay horseedi karto macluul Iyo khilaafaad bulushoyinka kala duwan ah . Sidoo kale bulshadu waxa ay maamulka heer gobol illa heer qaran ka codsadeen In baahiyaha kala duwan ee bulshadu tabayso Wax laga qabto yadoo laga faaidaysanayo shirkadaha kala duwan ee danaynaya macdanaha ku dihin gobolka sanaag .