354453794_648173030678202_5891358849086593507_n.jpg
Kulanka Sii-xoojinta iyo Dardargalinta Hawlaha Horumarinta Macdanta
Kulanka sii xoojinta iyo dardargalinta hawlaha horumarinta macdanta, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 18 June, 2023 lagu qabtay Hall-ka shirarka ee Wasaaradda, kaas oo ay soo qaban-qaabisay Waaxda Macdanta ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland. Kulanka oo ay ka soo qayb galeen shirkadaha daneeya macdanta, sida, shirkadaha ka ganacsada Macdanta, shirkadaha sahamiya macdanta iyo shirkadaha macdan qodista kooban ka wada wadanka. Muhimada ujeedka kulanka ayaa ahaa, xoojinta wada-shaqaynta shirkadaha iyo Wasaaradda, ku dhaqanka Xeerka Macdanta Somaliland (Xeer Lr 100/2022) iyo dabaqaadiisa, iyo sidii si wadajir ah looga gudbi lahaa caqabadaha soo food saara sahaminta iyo soo saarida macdanta.
Kulanka waxaa furay Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Mudane Cabdillaahi Faarah Cabdi
oo ku dheeraaday muhimada ay leedahay in la helay xeer macdaneed oo ansaxsan oo hagi doona maamulida khayraadka macdanta qaranka.
Kulankan ayaa intii uu socday waxa ay ka qaybgaleyaashu kaga fal celiyeen, talo bixin, xusida caqabadaha ku gedaaman macdanta iyo sidii looga gudbi karo.
Kulanka waxaa soo xidhay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta, mudane Fowsi Maxamed Faarax, isagoo xusay mudnaanta ay leedahay in la helo shuruuc dhamaystiran oo lagu hago maamulida macdanta, isaga oo kula dardaarmay shirkadaha inay ku shaqeeyaan ruqsadaha kala duwan ee ay qaateen, wixii danbe cidii ku shaqayn weydana loo raaci doono sida uu dhigayo xeerku.
ALLAH MAHAD LEH,