295338681_423475266481314_3569993752112179153_n.jpg

Kulan-hawleedka Guddida Deegaanka, khayraadka dabiiciga ah, wax soo-saarka iyo Tamarta.

Guddida deegaanka, khayraadka Dabiiciga ah, wax soo-saarka iyo Tamartu waxay kulan u qabteen Qabyo qoraalka xeerka Macdanta Qaranka, kaas oo ahmiyad wayn u leh kobaca dhaqaale ee dalkeena.

Kulankaas oo ay kasoo qayb galeen dhammaan Wasaaradaha, Hay'adaha, daneeyayaasha Arimaha macdanta iyo Jaamacadaha Dalka.

Waxaana kulankan furay Guddoomiyaha Guddida Md: Mubaarik Muuse Ismaaciil, kaas oo xusay ahmiyadda dhaqan-dhaqaale iyo Deegaan ee xeerkani u leeyahay Qarankeena.

Waxaanu u mahadnaqay dhammaan ka soo qayb galayaashii iyo wasaaradda Macdanta iyo Tamarta oo juhdi badan soo gelisay xeerkan.

Waxa kale oo hadalka isaga dambeeyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Md: Foosi Maxamed, xildhibaan Ibraahim Cali Jaamac Suudi, xildhibaan Maxamed cismaan Liimo, xildhibaan Abokor faarax Warsame iyo la-taliyaha Guddida Md: Mustafe Maxamuud Xassan.

Dhammaantoodna waxay sheegeen Ahmiyadda xeerkan iyo sida uu muhiimka ugu yahay Qaranka, Guddiduna ay wakhti badan galiyeen siduu xeerkaasi u noqon lahaa mid wax tar uleh Qaranka.

Xigasho Golaha Wakiiladda Somaliland