361651697_665504658945039_8863708175353038209_n.jpg
Hargaysa(WTM): Agaasimaha guud ee wasarada tamarta iyo macdanta foosi maxamed faarax oo ay wehelinayaan agaasimeyaasha waaxyaha kala duwan ee wasarada ayaa soo dhaweeyay wasiir ku xigaanka oo dhawaan xilkaasi loo soo magacaabay.
xaflada si heer sare ah loo soo qaban qaabiyay ayaa ka dhacday xarunta wasarada tamarta iyo macdanta taasi oo lagu soo dhawaynayay wasiir ku xigeenka Siciid Axmed Jibriil oo xilkaasi loo soo igmaday.
waxana halkaasi ka hadlay agaasimaha guud oo hadalo soo dhawayn iyo mahadnaq ah iskugu jira madashaasi ka jeediyay waxana hadlka ka daba qaatay masuuliyiinta kala duwan ee wasarada kuwaasi oo si niyad sami ah u soo dhaweeyay wasiir ku xigeenka.
Waaxda xidhiidhka dadwaynaha iyo saxafadda (WTM)