360103874_666598865502285_8697635090562583509_n.jpg
Hargaysa 20.07.2023(WTM) Agaasimaha guud ee wasaaradda tamarta iyo macdanta JSL Foosi Maxamed Faarax ayaa maanta shir gudoomiyay kulan kaqabsoomay hoolka shirarka ee wasaarada kaaso oo ay kaso qayb galeen shirkadaha bixiya adeeg korontada iyo qaar kamid ah shirkadaha kashaqeeya tamarta cusbonaata ee hargeisa
Ujeedka kulankan ayaa ahaa si shirkadaha la lawadaago qabyo qoraalka xeerka dib loo habeeyay ee tamarta korontada dalka iyo in laga arinsado shirka wadatashiga xeerkan oo kaqabsoomi doono maalinta 22 ilaa 23 july ( sabtida iyo axada) hotel Assod, shirkan oo lagu casuumay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada, shirkadaha korontada dalka, haayadaha dawlada, komiishanka tamarta, wasaaradaha hawl wadaaga la ah wasarada tamarta iyo macdanta, shirkadaha tamarta cusbonaata, iyo dhamaan daneeyayasha aaga tamarta korontada Somaliland.
Waaxda xidhiidhka dadwaynaha iyo saxaafadda WT&M