432094042_810150144480489_6693817259889414364_n.jpg
Guddiga Dhaqaalaha Golaha Wasiirada JSL, oo ay wehelinayaan Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dhaqaalaha, ayaa shir muhiim ah ku yeeshay Xarunta Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta. Kulankan waxaa lagu meel mariyay 50 mashruuc oo laga soo xulay Warbixinta Shirweynaha Madasha Dhaqaalaha Somaliland II kaas oo dhacay dhamaadka sanadkii lasoo dhaafay.
Waxa si gaar ah la iskula gartay dardargelinta hirgelinta mashruucyadan, iyada oo Agaasimayaasha Guud loo igmaday inay si hufan u maareeyaan daadajinta iyo hirgelinta, si loo xaqiijiyo horumar dhaqaale iyo bulsho oo joogto ah.