294264151_419757220186452_6848900778646271917_n.jpg
Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha Ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ayaa
Tababar U Furay Shaqaalaha Waaxda Tamarta ee Wasaaradda.
Waxaa Saaka Tababar Xarunta Wasaaradda Loogu Furay Shaqaalaha Waaxda Tamarta ee Wasaaradda, Tababarkaas oo Socon doona Muddo Afar cisho ah ayaa Shaqaaluhu kubaran doonaan Tamarta cusboonata ee isku sidkan iyada oo la isticmaalayo software-ka (HOMER)
Tababarkan oo ay soo agaasintay Waaxda Cududda Shaqaalaha ee Wasaaradda ayaa Waxaa ugu horeyn Furitaakii Kulanka kelmado kooban kasoo jeediyey Agaasimaha Waaxda Cududda Shaqaalaha waxaanu Sharaxaad ka bixiyey ujeedka iyo muhiimada Tababarka, sidoo kalena ku booriyey shaqaalaha tababarka loo qabtay in ay sida ugu wanaagsan uga Faa`iidaystaan tababarka islamarkaana Ku dabaqaan Shaqo Maalmeedkooda.
Tababarkan waxa bixinaya Shirkadda Himilo Technical Central.