454717181_897651272397042_8729659373206773593_n.jpg
Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Muna Cabdilaahi Maxamed oo ah ku Simaha Agaasimaha Guud ayaa maanta gudoominaysey shirka Agaasimayaasha waaxaha.
Shirkan oo ah mid todobaadle ah ayaa waxaa ay Madaxda iyo maamulka Wasaaraddu ay ku wadaagaan hawlaha shaqo ee ay wasaaraddu gacanta ku hayso, waxaana wax layska waydiiyaa shaqooyinka qorshaysan, kuwa qabsoomay iyo sidii loo joogtayn lahaa isla markaana loo gaadhi lahaa hiigsiga iyo himilooyinka u dejisan Wasaaradda.
Intii uu kulanku socdayna waxay Agaasimayaasha Waaxuhu ku soo bandhigeen Shaqooyinka qabsoomay, kuwa qorshaysan iyo sidii qorshayaashaas loogu fulin lahaa wakhtigooda.